Waftiga Ethiopia oo Bookhasho ku tagay Magaalo Xeebeedka Caalamiga ha ee Berbera

Waxa Maanta oo taariikhdu Tahay 13/11/2014 kormeer ku tegey magaalo xebeedka caalamiga ah ee Berbera wefti wadajira oo ka kooban Wasiiro iyo khabiiro kuwaas oo metelaya labada dal ee walaalaha ah ee Jamhuuriyadab somaliland iyo jamhuriyada federaalka Itoobiya. guud ahaan waxa weftiga hogaaminayey wasiirka wasaarada Maaliyada Mudane Cabdi Casiis Maxamed Samaale halka weftiga dalka Itoobiya uu hogaaminyey Wasiirka wasaarada Maaliyada iyo Horumarka dhaqaalaha, waxa weftiga kusoo dhaweeyay masuuliyinta gobolka saaxil oo uu hogaaminayo gudoomyaha gobolka saaxil mudane Fahmi,waxa ay weftigu kulan kula yeesheen xafiiska maareeyaha dekeda Berbera masuuliyiinta gobolka saaxiil halkaas oo ay kahadleen gudoomiyaha gobolk saaxil,duqa degmada Berbera iyo Maareeye ku xigeenka Dekeda Berbera waxaanay dhamaantood muujiyeen xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal waxaanay soo dhaweeyeen weftiga iyo ujeedadiisa ah in labada dal ay iska kaashadaan dhaqaalaha,Nabad gelyada iyo siyaasada waxaanay aad usoo dhaweeyeen sidii Dalka Itoobiya uu u isticmaalilahaa Dekeda Berbera Taas oo ahayd ujeedada weftigu u socdo,waxa isna mahadnaq balaadhan usoo jeediyey madaxda gobolka saaxil soo dhaweynta wanaagsan ee ay ku soo dhaweeyeen waxaanuu balan qaaday in dalka itoobiya sii xoojin doono xidhiidhka walaaltinimo ee labada dal.intaa kadib waxay weftigu soo boqden dekeda,madaarka,haamaha shidaalk iyo xarunta keydka gaasta ee somgas waxaan gebagebadii weftiga qado loogu sameeyay xaruntamadaxtooyada ee berbera,intaa ka dib wuxuu weftigu u kicitimay maaglada togwajaale ee xarunta ganacsiga somaliland iyo itoobiya halkaas oo weftigu ay soo indha indhanayeen wadada isku xidha berbra iyo wajaale isla markaa wuxuu weftigu u talaabay dhinaca dalka itoobiya e wajaale halkaas oo ay si wada jira saaxafada ay hadalo u siyeen wasiirka maaliyada somaliland,wasiirka Gaadiidka Itoobiya iyo wasiirka madaxtooyada somaliland. Berport