Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo dalka ku soo dhaweeyay Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Ethiopia

Waxa Galabta 4:00 galabnimo ee maanta oo Taariikhdu Tahay 12/11/2014 Kasoo degey gegida diyaardaha ee Cigaal Airport wefti Balaadhan oo hogaaminayo Wasiirka Maaliyada horumarinta dhaqaalaha ee dawlada federaalka Itoobiya H.E.Ato Sufian Ahmed Waxaana soo Dhaweeyay Wasiiro uu Horkacayo Wasiirka Maaliyada JSL Mudane Cabdi Casiis Mohamed Samaale waiirada soo dhaweynta ka qayb qaatay waxa kamid ahaa wasiirka wasaarada arrimaha Dibeda,wasiirka madaxtooyada,wasiirka ganacsiga, wasiirk wasaarada hawlaha guud. waxayaabaha weftigu u socdo waxa ka mida hawlaha Dekeda,wadooyinka, laydhka,haamaha,ganacsiga,madaarada waxaanay ay weftigaa dhinaca itoobiya ka mid ah wasiirka Gaadiidka H.E Ato Workneh Gebyehu,  H. E Ato Ahmed Shide Wasiiro dawlaha wasaarada maaliyada iyo Hotumarka dhaqaalaha waxaanay wadanka joogi donaan mudo sadex cisho ah.