Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda oo maanta xilkii la wareegay

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda oo maanta xilkii la wareegay

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Md Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa xilkii si rasmi ah Maanta ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda Marwo Samsam Cabdi Aadan, kuwaas oo xilka kula kala wareegay munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo ka qabsoontay Hoolka xarunta Data Center-ka ee wasaaradda maaliyadda.

Munaasibadan oo ay kasoo qaybgaleen wasiiro, xildhibaano, culimo awdiin, aqoonyahan iyo madax kale oo tiro badan ayaa waxay dhamaantood wasiirkii hore ku amaaneen shaqadii ay qaranka u soo qabatay, kuwaas oo wasiirka cusub ee uu Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi u magacaabay wasaaradaasina u Ilaahay uga baryey inuu xilkaas culus u fududeeyo.

Waxa madashaasi ka hadlay Wasiirka cusub ee wasaaradda horumarinta Maaliyadda Md Yuusuf Maxamed Cabdi, wasiirkii hore Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradaasi  Maxamed Daahir Axmed,  Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maaliyadda, wasiir ku xigeenkii iyo wasiiru-dawlihii hore ee wasaaradaasi, xildhibaano iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhamaantood ku wada dheeraaday mihiimada ay qaranka u leedahay wasaaradda maaliyadu.

Ugu horayn wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo munaasibadaasi hadal kooban ka jeedisay ayaa sharaxaad ka bixisay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay joogtay, taas oo sidoo kale xustay inaanay wax dayn ah ku wareejin doonin wasiirka cusub, isla markaana u mahadnaqday shaqaalaha cidkasta oo gacan siisay mudadii ay xilkaasi haysay.

Sidoo kale Wasiirka cusub ee wasaaradda horumarinta Maaliyadda Md Yuusuf Maxamed Cabdi oo isaguna munaasibadaasi soo xidhay ayaa balanqaaday inuu ku dadaali doono horumarinta hanaanka maaliyadeed ee Somaliland, isla markaana waxa uu tilmaamay in mudada uu xilkaas hayo inuu u cadaalad samayn doono shacbiga dalka, kaas oo u mahadnaqay dhamaan masuuliyiintii hore ee wasaaraddaaasi.

Wasiirkii hore iyo Wasiirka cusub oo kala saxeexanaya document kii xil wareejinta

Marti sharaftii ka soo qayb gashay xil wareejintii Wasiiradda Wasaaradda Maaliyadda

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda JSL

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda

Wasiir Xigeenka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda

Wasiirka cusub iyo wasiiradii hore ee xilka la kala wareegay

Wasirudawalihii Hore ee Wasaaradda Maaliiyadda

Wasiiradda Cusub iyo wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda

Wasiir Xigeen kii hore ee Wasaaradda maaliyadda

Shaqaale waynaha Wasaaradda Maaliyadda

Wasiiradii Hore iyo Wasiiradda Cusub ee Wasaaradda maaliyada

Wasiiradii hore, wasiirada cusub, hanti-dhawraha guud iyo xisaabiyaha guud ee qaranka